543 Views

Ilmo yar oo muuqaalka afduubkiisa iyo jirdilkiisa aad looga naxey oo hadda la sii daayey

Ilmo yar oo muuqaalka afduubkiisa iyo jirdilkiisa aad looga naxey oo hadda la sii daayey
____________________________________________________________________________

Isniin: February 14, 2022

Wiil siddeed jir ah oo afduubkiisu uu caro ka abuurey dalka Suuriya, kadib markii muuqaal laga duubay, isagoo ay jirdil u geysanayaan kooxihii afduubtay, oo lasoo dhigay Internet-ka, ayaa lasii daayey.

Fawaz al-Qataifan, ayaa gacanta loo galiyey Sabtidii qoyskiisa, kadib mrakii ay lacag madax furasho ah siiyeen kooxdii burcadda ah ee bishii November ku qabtay gobolka Deraa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Suuriya.

Waxa uu u muuqdey mid caafimaadkiisu wanaagsan yahay, markii uu ka sheekeeyey dhibaatadii uu soo marey wareysi uu tv-ga la yeeshay.

Booliiska deegaanka, ayaa sheegay iney xireen afar tuhmane toddobaadkii hore, iyagoo ku raad joogay taleefan loo adeegsan jirey hanjabaadaha.

Afduubayaashu waxey laba jeer la heshiiyeen qoyska Fawaz, si ay usoo dhiibaan, laakiin way ku guul dareysteen iney soo xaadiraan labadda jeer, sida uu sheegay taliyaha booliiska Deraa, General Dirar al-Dandal.

Sabtidii, waxey u sheegeen aabbihii wiilka inuu madax furasho keenno, sida la sheegay 500 million oo Gini Suuriya ah, oo u dhiganta US $(199,000), meel u dhaw magaalada Nawa. Kadib markii ay heleen lacagta, waxey uga tageen wiilkii yaraa Fawaz bannaanka farmashiye.

Dandal, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Sana, ee ay dowladdu maamusho “Booliiska ma aysan soo fara gelin, iyadoo ujeedadu tahay in la ilaaliyo nafta cunuga, kadib markii ay afduubayaashu ku hanjabeen iney dili doonaan”.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post