750 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyay Heshiiskii uu xalay la gaaray Midowga Musharixiinta..

Ra’iisul Wasaare  Rooble  oo soo dhaweeyay Heshiiskii uu xalay la gaaray  Midowga Musharixiinta..
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

Ra’iisul Wasaare ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, madaxda Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho uu ku bogaadinayo doorkii ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waan-waantan.

Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey Rooble madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo xubnaha kale ee musharaxiinta uu dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada,” ayuu yiri Rooble

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon, suurtagalna ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post