951 Views

Madaxweynihiii hore Xasan shekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Guriceel

Madaxweynihiii hore Xasan shekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Guriceel
____________________________________________________________________________

Axadi: October 24, 2021

Madaxweynihii Hore Somaliya Xasan sheikh maxamuud ayaa soo saaray baaq ku aadan Colaada ka socota Magaalada Guriceel.

Xasan sheikh ayaa ku tilmaamay Colaada ka socoto Guriceel ee u dhacaysa dadka walaalaha ah mid laga Xumaado.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Deg deg loo joojiyo Colaada Guriceel.

BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

DHAMMAAD

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post