834 Views

Cumar Filish oo xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Cumar Filish oo  xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Waxa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Cumar Filish  ayaa ku booqday Hoyga uu muqdisho ka dagan yahay  Qoor Qoor, waxayna ka wada hadleen xaalada dalka iyo sidii la iskugu soo dhawayn lahaa kala aragti  duwnaashaha  ka jira doorashada dalka lagu wado in ay ka dhacdo.


sidoo kale Kulankaas waxaa la sheegay in labada masuul ay uga wadahadleen xaaladaha guud ee dalka, waxuuna kulankaan ku soo aaday, iyadoo xalay guddoomiye Cumar Filish uu xalay booqday qoysas caruurtoodii ku waayey roob xoog leh oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post