2181 Views

Sidee loo xushaa loona tababaraa sirdoonka Israa’iil.?

Sidee loo xushaa loona tababaraa sirdoonka Israa’iil.?
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 2, 2021

Waxaa jira sheekooyin badan oo la xiriira hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Qaar ka mid ah sheekooyinkaas waa wax dhacay halka kuwa kalana ay yihiin wax la iska abuurtay. Hasayeeshee dhabtu waxa ay tahay in dunida oo dhan laga cabsado Mossad.

Mossad ayaa luuqadda Hebrew-ga waxa ay ku tahay hay’ad. Mossad waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah hay’adaha sirdoonka ee ugu awoodda badan caalamka.

Haddaba sidee hay’adda sirdoonka ee dalkan yar sida Israa’iil oo kale ay u noqotay mid xoog badan oo dalalka awoodda badan khalkhalisa?

Mayd ayaa waxaa laga helay hoteel ku yaal magaalada Dubai, iyadoo qolkana uu hoos ka xirnaa. Ninka dhintay ayaa la aqoonsaday inuu ahaa Maxamuud Al-Maxbuub, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta. Qofkasta waxa uu u malaynayaa in ninkaas uu caadi isaga dhintay.

Qof qolka galay ma jirin, albaabka qolkana hoos ayuu ka xirnaa, siduu marka qofka gudaha ugu dhintay?

Waxaa laga shakisan yahay in Mossad ay ku lug laheyd dhacdadii 2010-kii, walow Mossad aanay meel fagaare ah arrintaasi ka qiran.

Hasayeeshee kaamerooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ayaa waxa ay duubeen howlgalka Mossad.

Markii uu Maxbuub ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Dubai ee uu imanayay hoteelka ayaa waxaa daba socday qof.

Markii uu galay wiishka hoteelka uu ku dagay dabaqa labaad ee hoteelka ayaa waxaa daba socday laba nin oo xiran dharka lagu ciyaaro teeniska.

Xaaska Maxbuub ayaa goor dambe waxa ay soo wacday hoteelka, maadaama uu ninkaasi muddo dheer wax xiriir ah samayn.

Dr Saciid Hamiri oo ka tirsan booliska Dubai ayaa BBCda u sheegay “Markii maydka lagu sameeyay baaritaan la xiriira sababta uu u dhintay, boolisku waxa uu ogaaday in Maxbuub uu soo gaaray dhaawac jireed, hasayeeshee ma aanay jirin astaan inuu dhacay dagaal. Halka ay ogaadeen in albaabka qolka uu hoos ka xirnaa.”

Waxaa la baaray baasaboorrada labada nin ee daba socday Maxbuub ee xirnaa dharka teeniska lagu dheelo, waxaana la ogaaday inay ka soo jeedaan dalal kale. Dalalka baasaboorradooda la isticmaalay ayaa arrintaas ka cawday.

Booliska Dubai aya asheegay in Mossad ay ka dambaysay weerrarka. Sida uu sheegay Dr Saciid Hamiri madaxa Mossad ee London ayaa shaqadii ka eryay mid ka mid ah labada nin oo midkood uu ahaa diblumaasi hore oo Israa’iili ah.

Gaddafi, oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Mossad, ayaa sheegay in “Waxyaabahaas oo kale marwalba ayey dhacaan. Waxa ay ka dhaceen Ireland, Australia iyo dalal kalaba.”

Dunida sirdoonka marwalba shuruucda waa la jabiyaa, hasayeeshee Israa’iil ma ka badbadisaa?

Mar uu su’aashaasi ka jawaabayay madaxii hore ee Mossad Ephraim Halevi ayaa sheegay in “Waxyaabo badan oo aan run ahayn ayaa jira, laakiin waxaa la sameeyaa wax badan oo sharciga hareer marsan. Mase ay jirto cid waligay I waydiisatay inaan sharcidarro sameeyo. Dambi ma ahan inaad samaysidse waxa lagu sheego inay tahay inaad samaysid. Xusuusnow, sirdoonku sharci qabto malahan.”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post