612 Views

Qarax xoogan oo gooor dhawayd ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Qarax xoogan oo gooor dhawayd  ka dhacay Magaalada Beledweyne.
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Goordhaw uu halkaasi ka dhacay Qarax jugtiisa inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaaladda Beledweyne.

Qaraxa ayaa ka dhacay Baar xasan dhiif oo ku yaal bartamaha Magaaladda baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Sidoo kalena ah goob bulsho ay ku kulanto, laguna qabto Shirarka waaweeyn.

Sidoo kale waxaana isku qarxiyey sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo kala duwan, Qof watay Jaakadaha Qarxa, Waxaa jiro Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac leh in kastoo aan la xaqiijin karin.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli Beledweyne lagu wado in beri lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post