1557 Views

SAWIRO:-Maamulada degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag oo ku biiray Puntland

SAWIRO:-Maamulada degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag oo ku biiray Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2019 –  Wararka laga helayo Magalada Bara nee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in guddoomiyihii degmada Baran ee soomaaliland Cabdalle Cabdi Faatax iyo Taliyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ay ku biireen Maamulka Puntland.

 

Xubno uu horkacayo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baran, iyaga oo soo dhaweeynayay guddoomiyaasha Magaalada Baran & Taliyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Xero ay Ciidamada Soomaaliland ku lahaayeen Magalada Baran laga taagay Calanka Puntland,waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabarani uu sheegay in tallaabada ay suurtagelisay dadaal ay sameysay xukuumadda Madaxweyne Deni.

 

Si kastaba saakay waaberigii ayay aheyd markii Maamulka Puntland ay  kusoo biireen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyihii Ciidamada Aaga Magalada Baran G/sare Guray Cismaan Saalax iyo Ciidamo uu wato.

 

 

 

 

 

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment