957 Views

Guddoomiye Filish oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameeynayo Buundooyin

Guddoomiye Filish oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameeynayo Buundooyin
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo Buundooyinka ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Dhagax dhigaan oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga My Bank ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Bangiga My Bank.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay aad usoo dhaweenayaan cid weliba oo ka qeyb-qaadaneysa Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska waxaa uuna ku amaanay Bangiga My Bank dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha Buundooyinka Mara Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee ummuada ka wada dhaxeyso

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post