3291 Views

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo su’aal ka keenay Go’aan Shalay La Gaaray

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo su’aal ka keenay Go’aan Shalay La Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa dood sharciyeed ka keenay go’aankii Guddoonka Golaha shacabka ka soo saaray maqaamka Caasimadda.

C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in Guddoonka Golaha shacabka ay aheyd inuu la tashado Guddiyada joogtada oo matali kara Golaha Guud, muddada fasaxa lagu jiro.

“Waxay ahayd in guddoonku uu la tashado guddiga joogtada ah oo matali kara golaha guud mudada fasaxa lagu jiro, ee ma ahayn in qof walba wixi uu rabo uu ku qoro magaca golaha shacabka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Waxaa uu sheegay in arrimaha xiisada Gobolka Banaadir ay u baahan tahay wada hadal iyo qaab siyaasadeed lagu xaliyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dhaliilay go’aankii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed

ka soo saaray Maqaamka Caasimadda iyo cida go’aan gaaristeeda leh, waxaana warqadan ay soo baxday xilli xiisad siyaasadeed ka jirto Gobolka Banaadir.

Inkastoo go’aanka Guddoonka aanu wax saxiix ah saarneyn, ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddoomiye Jawaari uu safar dibadda ah ku maqan yahay, waxaana Xildhibaanada qaar ay su’aal ka keeneen in warqadaas ay aheyd mid ay Guddoonka oo dhan isla ogaayeen iyo in kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment