702 Views

Itoobiya oo ku eedaysay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay in ay iska indha tireen tacadiyada ay gaystaan TPLF

Itoobiya oo  ku eedaysay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay in ay iska indha tireen tacadiyada ay gaystaan TPLF
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Unesco iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO in ay iska indha tireen burburka iyo tacadiyada ay gaystaan falaagada hubaysan ee TPLF oo in ka badan sanad dagaal kula jirta dowladda Itoobiya.

Itoobiya Waxa ay sheegtay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka aamuseen xadgudubyada, burburinta iskuullada iyo xarumaha caafimaadka ee gaysteen TPLF.

Kumanaan xarumo caafimaad ah ayaa la burburiyay, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka isgaarsiinta Kebede Desissa oo saxafiyiinta kula hadlay Addis Ababa.

Warbaahintu si madax banaan uma aysan xaqiijin eedeymaha loo jeediyay TPLF, sidoo kale QM ayaana weli ka jawaabin eedeynta.

Xiriirka Addis Ababa iyo Qaramada Midoobay ayaa xumaaday tan iyo bilowgii iskahorimaadka bishii November ee sannadkii hore, kaasoo ka billowday gobolka woqooyi ee dalkaas ee Tigray.

Dagaalku waxa uu dhaliyay dhibaato bini’aadantinimo oo aad u balaaran,markii uu dagaalku ku fiday gobolada dariska ah ee Canfarta iyo Axmaarada,waxana sidoo kale ka dhashay masiibada iyo burburka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post