393 Views

Manchester City oo 1-0 uga badisay Arsenal, kana saartay koobka FA-ga

Manchester City oo 1-0 uga badisay Arsenal, kana saartay koobka FA-ga
____________________________________________________________________________

Sabti: Jannaayo  27/2023

Kooxda Manchester City ayaa xalay si dirqi ah kaga badisay kooxda Arsenal, kadib markii difaaceeda Nathan Ake uu gool u dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta kulan ka tirsanaa wareega afraad ee FA Cup-ka.

Labada kooxood oo sidoo kale ugu sarreysa Premier League ayaa weerarro rogaal celis ah isku qaaday qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo Erling Haaland uu labo jeer u dhawaaday shabaqa Arsenal, halka Arsenal ay ku qasabtay goolhayaha City, Stefan Ortega, inuu laba jeer City ka badbaadiyo goolaal ku socday shabaqeeda.

Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa billowgii qeybtii labaad ee ciyaarta keydka soo kicisay Julian Alvarez, iyadoo weeraryahanka Argentina uu qeyb weyn ka qaatay goolka guusha, isagoo kubad uu laaday ay ku dhacday birta kahor inta uusan Ake shabaqa ku celin daqiiqaddii 64-aad.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sameeyay isbeddello uu ku raadinayay in kooxdiisu ay dhaliso gool bareejo ah, laakiin taasi uma suuragalin. Leandro Trossard oo ay dhawaan Arsenal kasoo iibsatay kooxda Brighton & Hove Albion ayaa u muuqday mid firfircoon.

Dhiggiisa Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay inuu kulanka ay kaga hortageen Arsenal uu ahaa mid adag.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post