396 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyey u dabaal dega Munaasabadda 12-ka April

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo  Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyey u dabaal dega Munaasabadda 12-ka April
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyey u dabaal dega Munaasabadda 12-ka April oo ah aas aaska Ciidanka, iyadoo ay kasoo wareegatay 62 sano, maadama la aas aasay 12-kii April sanadkiu 1960-kii.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku hadlayay codka Shacabka Soomaaliyeed ayaa fariin  hambalyo la wadaagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Xaasaskooda iyo Caruurtooda.

Mr Rooble ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku jiifaan Ciidanka, isagoo xusay in ay u yihiin gabaad iyo difaac.

“Anigoo ku hadlaayo Codka Shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin leeyahay Hambalyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed hambalyo idinka Xaasaskiina iyo Caruur tiina hambalyo, Shacabka Soomaaliyeed wuu idin ku jiifaa idinka ayaa u ah gabaad idinka ayaa u ah difaac waxaa idin leeyahay hambalyo hambalyo hambalyo” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, isana dhinkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxaa uu fariin iskugu jirtay hambalyo iyo digniin u diray ciidanka qalabka sida ee xoogga dalka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ciidanka Xoogga dalka la wadaagay fariin iskugu jirtay hambalyo, Salaan iyo Boggaadin ku aadan Munaasabadda 12-ka April oo ah xiligii la aas aasay taas oo laga jooga haatan 62 sano, wuxuuna hambalyo ujeediyay Sarreeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, dableyda iyo Jadiidka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post