936 Views

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Cudurka Corona Virus

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Cudurka Corona Virus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Qiyaastii 1.92 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins.

In kabadan 119,500 ayaa dhintey, halka ku dhawaad ​​450,000 ay soo kabsadeen.

WHO ayaa lagu wadaa in ay siideyso talooyinkeedii ugu dambeeyay ee istiraatiijiyadeed ee wax ka qabashada cudurka dillaacay.

 

In ka badan 10,000 oo qof ayaa hadda u dhintay cudurka coronavirus ee magaalada New York.

 

Hindiya ayaa kordhisay xannibaadda dalka oo dhan illaa iyo 3-da May.

 

Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa waxa uu cambaareeyay koox dad ah oo ku nool tuul dalkaas ku taal kuwaas oo hor istaagay aaska dhakhtarad lagu soo warramayo inay cudurka coronavirus u dhimatay, dadka falkaas ku dhaqaaqay ayaa waxa uu ku tilmaamay “xushmad-laawayaal”.

 

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si caro leh u difaacay qaabkii ay dowladiisa ula tacaashay feyriska Corona ee dalkaasi ku dilay in ka badan 23,000 oo qof.

 

Jaamacadda Johns Hopkins University waxay dib u eegis ku sameysay tirada kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka ‘coronavirus’ adduunka oo dhan. Hadda waa 1.918 milyan horay waxay sheegtay in inkabadan laba milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida laga helay fayraska.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment