492 Views

Shiinaha oo bilaabay ugaarsiga dalalka xiriirka la sameeyay Taiwan

Shiinaha oo bilaabay ugaarsiga dalalka xiriirka la sameeyay Taiwan
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Shiinaha ayaa joojiyay iibsashada hilibka lo’da, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo qamriga ee ka soo geli jiray dalka Lithuania, xlli uu sii xumaanayo xiriirka gobolka Baltic-ga ee Taiwan.

Maamulka Guud ee Kastamka Shiinaha, ayaa hakiyay dhoofinta sababo la xiriira “sharci la’aan”, wakaaladda Lithuania ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Lithuania ay u ogolaatay Taiwan inay safaarad ka furato halkaas.

Waaxda adeegga cuntada iyo caafimaadk xoolaha ee Lithuania ayaa sheegtay in “ilaa iyo hadda aysan ka helin wax ogeysiis ah Shiinaha oo sheegaya in wax macluumaad ah ama xog ah ay maqan yihiin”.

Wakaaladdu waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Shiinuhu ay sanadkii 2020-ka sameeyeen baaritaan fog oo ku saabsan dhoofinta hilibka lo’da iyo kalluunka Lithuania.

Waxay intaa ku dartay in aysan jirin wax cabasho ah oo laga qabo, dhoofintana ay si habsami leh u socotay ilaa dhamaadkii sanadkii hore.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta iibka u joogsaday. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka gaabsaday codsiyo ay BBC-da ku weydiisay arrinkan.

Somaliland ayaa ka mid ka mid ah labada dal ee Afrika ee xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxda la leh Taiwan. Midkii ugu horreeyay wuxuu ahaa dalka yar ee Eswatini, oo xiriir la yeeshay 1968.

Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu isha ku hayo saaxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan isagoo ka cabsi qaba, maxaa yeelay waxay ka aasaastay saldhig milatari oo ka baxsan dalkeeda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post