867 Views

Ciidamada iskudhafka ee Magaalada Gaalkacyo oo heegan la geliyay

Ciidamada iskudhafka ee Magaalada Gaalkacyo oo heegan la geliyay
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobalka Mudug Maxamed Xasan Walloore ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidmada iskudhafka ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uusliiyiintaan ayaa ciidaanka iskudhafka ah kala hadlay xoojinta wadashaqayneed ee amniga degmada Gaalkacyo iyo isku xirnaanshaha ciidanka.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa maamulka degmada iyo kan Gobalka waxaa ay dadaal xoogan ku bixiyeen ka shaqaynta amniga magaalada oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug Puntland iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in heegan la geliyay Ciidamada, iyaga oo kula dardaarmay inay ammiga guud ee Magaalada Gaalkacyo ay siweyn u adkeeyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post