888 Views

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo Farriin u diray Madaxweyne Farmaajo

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo Farriin u diray Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka falceliyay dhismaha iyo dayactirka dowladdu sheegtay in lagu sameeyay taalooyinka Qaranka.

 

Waxaa uu sheegay in Halgamayaashii Soomaaliyeed ay qatar ka badbaadiyeen dalka, islamarkaana Muddo dheer ay ku jireen halgan.

 

Waxaa uu sheegay in aysan is qaban doonin in  taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) Madaxweyne Farmaajo taggo , halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayay dalka Itoobiya.

 

Dowladda ayuu ka dalbaday in ay Garowsato gabood falkii ay geysatay oo lagu gacan geliyay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

 

“Halgamayaasha waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment