1005 Views

Mareykanka oo saraakiil Daacish ah ku dilay Gudaha magaalada Kabul.

Mareykanka oo saraakiil Daacish ah ku dilay  Gudaha magaalada Kabul.
____________________________________________________________________________


Axad: August 29, 2021

Saraakiisha wasaaradda gaashaandigga ee Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn xaga cirka ah ku qaadeen baabuur marayay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, oo lala xiriirinayay kooxda Dowlada Islaamka, si looga hor tago weerar horleh oo ka fuliyaan garoonka.

Waxay ku kalsoonyihiin inay ku guleysteen bartilmaameedkooda, waxayna sheegeen inaysan weli ogaan in dad rayid ah ay ku wax yeeloobeen.

Mareykanka ayaa hore ugu digay inuu helay xog lagu kalsoonaan karo, oo ah in mintidiinta ay weerari doonaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Dhanka kale, booliska magaalada Kabul ayaa sheegay in canug yar uu ku dhintay gantaal maanta lagu ganay guri ku yaalla meel u dhaw garoonka.

Ugu yaraan 170 qof ayaa qamiistii ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay mid kamid ah albaabada laga soo galo garoonka, kaas oo ay fuliyeen kooxda isugu yeera Dowladda Islaamka.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post