270 Views

Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka oo gaadhay halkii ugu hoosaysay muddo 50 sano ah

Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka oo gaadhay halkii ugu hoosaysay muddo 50 sano ah
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 8, 2022

Warbixin ay soo saartay maalintii shalay ahayd wasaaradda shaqada ee dawladda Maraykanka ayaa faahfaahin lagaga bixiyey heerka shaqaalaynta ee bishii ugu dambaysay ee September, taas oo sawir ka bixinaysa, heerka shaqada iyo shaqaalaynta ee Maraykanka.

Warbixintan cusub ayaa sheegtay in bishii September in la abuuray illaa 263,000 oo fursado shaqo ah, inkasta oo heerka shaqaalayntu uu ka hooseeyo intii la shaqaaleeyey bishii August ee sannadkan, taas oo ahayd 315,000 oo shaqo.

Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka ayaa maraysa illaa 3.5%, waxaana dadka bilaa shaqada ah lagu qiyaasayaa inay yihiin illaa 5.8 million oo qof, waxaana ay maraysaa meelihii ugu hooseeyey ee ay shaqo-la’aanta Maraykanku gaadho muddo ku siman 50 sannadood.

Warbixinta ka soo baxday wasaaradda shaqada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in meelaha ugu badan ee shaqaalaynta abuuray inay ku jiraan, shirkadaha madadaalada iyo adeegbixinta, sida hoteelada hurdada, makhaayadaha iyo baararka, kuwaas oo suuqa shaqada ku soo daray illaa 83,000 oo shaqo oo cusub marka la barbardhigo bishii ka horraysay.

Sidoo kale goobaha bixiya daryeelka caafimaadka iyo kaalmada bulshada ayaa iyaguna qaatay illaa 75,000 oo shaqo oo cusub, halka wersheduhuna ay soo kordhiyeen illaa 22,000 oo shaqo.

Warbixinta ayaa sheegtay inay hoos u dhaceen shaqaalaynta dawladdu. Sidoo kale meelaha ay hoos u dhacday shaqaalayntoodu waxaa ka mida ganacsiyada tafaariiqlayda ah, gaadiidka kala duwan iyo weliba shirkadaha iska leh bakhaarada waaweyn.

Qiimaha maceeshadda ee sarreeya iyo sicir bararka ayaa ka mid ah, arrimaha walaaca badan ku haya shacabka Maraykanka. Bangiga dhexe ee Maraykanka dedaal xooggan ugu jira, sidii uu ula dagaalami lahaa sicir-bararka ka jira dalka Maraykanka, isaga oo sare u qaaday heerka dulsaarka, illaa shan jeer isla sannadkan gudihiisa.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post