1716 Views

74% Xukuumada waa xildibaano

74% Xukuumada waa xildibaano
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 6, 2018 – Kheyre Kaddib magacaabistii lix xubnood oo ka mid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya,waxaa ay ka dhigan tahay in Lixduba ay ka yimaadeen Golaha shacabka Soomaaliya oo ay Xildhibaanno yihiin.

25 ka wasiir 17 ka mid ah waa Xildhibaanno, sidoo kale 25ka Wasiir ku xigeen 20 ka mid ah Waa Xildhibaanno halka 15ka Wasiiru dowle 11 ka mid ah ay Xildhibaanno yihiin.

Taas waxaa ay ka dhigeysaa in Golaha Xukuumadda Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre ay yihiin xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Wasiirrada cusub ee dhawaan la magacaabay waxaa ay kala yihiin;

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre wasiirka Waxbarashada, Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Xildhibaan Cabdullahi Bidhaan Warsame,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Xildhibaan  Cabduqaadir Sh. Cali Baqdaadi Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaan Shawaqa Ibraahim  Abdalla, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

.

Isha:Wakiil

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment