933 Views

Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubaland oo dagaal kula galay Al-shabaab degaanka Baar-sanguuni

Ciidamada dowladda iyo  Daraawiishta Jubaland oo dagaal kula galay Al-shabaab degaanka Baar-sanguuni
____________________________________________________________________________


Axad: August 8, 2021

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Daraawiishta Jubaland, oo ku sugan Gobolka Jubada hoose, ayaa halkaas dagaal culus kula galay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni, ayaa sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga hayn.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay, in ay iska caabiyeen dagaallamayaasha Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhiga Baar-sanguuni, islamarkaana khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 8 askari oo ka tirsan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aaden.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post