1176 Views

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Duleedka Muqdisho Muqdisho

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Duleedka Muqdisho  Muqdisho
____________________________________________________________________________



Sabti: November 6, 2021

Ugu yaraan labo qof oo rayida ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax waddada hareerteeda la dhigay duleedka caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

Qaraxa oo la doonayay in lala beegsado gaari ay dawladdu leedahay ayaa ka gudbay wax yar uun ka hor inta aanu qaraxu dhicin, balse qaraxu waxa uu qabsaday mooto dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraysay xaafadda Garasbaaley.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaase weerrarada noocan ah Muqdisho iyo gobollada ku dhawdhaw ka fuliya kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post