1548 Views

Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley oo Goor dhawayd Qarax lagu dilay

Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley oo Goor dhawayd  Qarax lagu dilay
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Warar dheeraad ah aayaa ka soo baxaya Qarax lagu Dilay Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Garyare iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha sidoo kale waxaa ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare AUN ayaa ka soo baxay Salaadda Jimcaha oo bulshada deegaanka uu kula tukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley.

sidoo kale Garyare ayaa kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha deegaanka Garasbaaleey oo kamid ahaa aasaasayaasha deegaanka, wuxuuna gudoomiye ka ahaa Garasbaaley sanado badan.

Office nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post