1647 Views

diyaar garowga duugta Amiir Philip, oo ah seyga Boqorad Elizabeth II, kaas oo geeriyooday shalay isagoo jira 99 sano.

diyaar garowga duugta Amiir Philip, oo ah seyga Boqorad Elizabeth II, kaas oo geeriyooday shalay isagoo jira 99 sano.
____________________________________________________________________________

Faahfaahinta duugta ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda, balse waxaa la filayaa inay noqon doonto munaasabad, oo aysan noqon doonin arin weyn oo dalka u taalla sidii lagu yaqaannay geerida qof boqortooyada ka tirsan.

Maxaa xiga?

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in calamada hoos loo dhigi doono dhammaan dhismooyinka dowladda ilaa 08:00 BST maalinta xigta duugta.

Royal Standard, oo calaamad u ah qarannimada iyo sii socoshada boqortooyada, weligiis hoos looma dhigayo si buuxda ayuuna uga taagnaan doonaa halka ay joogto Boqoradda.

Rasaas ayaa maanta laga riday UK iyo Gibraltar. Qoryaha milatariga ayaa 41 rasaas ka ridayay markiiba daqiiqad walba muddo 40 daqiiqo ah gudaha Edinburgh, Cardiff, London, Hillsborough Castle oo Waqooyiga Ireland ah iyo Devonport iyo Portsmouth.

Maraakiibta Ciidamadda Badda Boqortooyada, oo ay ku jiraan HMS Diamond iyo HMS Montrose, ayaa sidoo kale ridayay rasaasta, iyagoo ku maamuusaya Amiirka, oo sarkaal ciidamada badda ahaa intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Iyagoo xushmad u muujinaya, axsaabta siyaasadeed ee ugu waaweyn England, Scotland iyo Wales ayaa joojiyay ololaha doorashooyinka bisha soo socota dhacaya.

Sidee ayay dadku xushmaddooda u muujin karaan?

Xayiraadaha Coronavirus ee diidaya in dad badan ay isku yimaadaan gudaha England ayaa waxay ka dhigan yihiin in qorshooyinkii in muddo ahba uga degsanaa maalmaha ka horreeya duugta wax laga beddeli doono.

Bulshada ayaa laga codsaday inaysan isku dayin ka qeyb galka munaasabadaha duugta, sababo la xiriira talooyinka caafimaadka.

Qoyska Boqortooyada ayaa sidoo ka codsaday dadweynaha inaysan ubaxyo dhigin bannaanka dhismaha aqalka Boqortooyada.

Barta Internet-ka ee Qoyska Boqortooyada, xubno ka tirsan dadweynaha ayaa laga codsaday inay sadaqo siiyaan hay’ad gargaar beddelkii ay ubaxyo ku maamuusi lahaayeen Amiirka.

Boor lagu soo bandhigay bannaanka Aqalka Buckingham, oo lagu shaacinayay geerida Amiirka, ayaa markii dambe laga qaaday, iyadoo laga cabsi qabo inuu soo jiito dad fara badan. Si kastaba, dadka ayaa ubaxyo, kaarar iyo qoraallo maamuus ah dhigayay bannaanka aqalka oo ku yaalla Windsor Castle, inkastoo laga codsaday inaysan sidaas sameyn.

Sidee ayuu u dhici doonaa aaska?

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, 17 April. Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

Maamus sharafeed ayaa loo sameeyay saddexdii qof ee ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa, oo ay ku jirtay Hooyada Boqoradda sanadkii 2002, markaas oo 200,000 oo qof ay muddo ka badan saddex maalmood saf ugu jireen inay xushmad u muujiyaan.

Diana, Amiiradda Wales ayaa sidoo kale loo sameeyay munaasabad taas la mid ahayd.

Balse College of Arms, oo gacan ka geysata qabanqaabada munaasabadaha dalka, ayaa sheegtay in qorshaha munaasabadda duugta ay u dhici doonto sida uu doonayay Amiirka.

Calanka u gaarka ah Amiirka, ayaa la filayaa in laga taago munaasabadaha.

Calanka wuxuu muujiyaa waxyaabo noloshiisa ku saabsan, raadkii uu ku lahaa Giriigga iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay Britain.

Markii Amiirku ay is alkunteen Amiirad Elizabeth sanadkii 1946, wuxuu ka tanaasulay howshii uu Giriigga u hayay wuxuuna noqday muwaaddin Ingiriis ah, isagoo qaatay magaca reerka hooyadiis ee Mountbatten.

Qoyska Mountbatten ayaa sidoo kale lagu muujiyay calanka, iyo sidoo kale qoryaha Magaalada Edinburgh – wuxuu Amiirka Edinburgh noqday markii uu guursaday.

Yaa ka soo qeyb geli doona aaska?

Markii hore sidii uu qorshuhu ahaa maalmaha ka dambeeya geerida amiirka waxaa ka soo qeyb geli lahaa kumannaan qof oo isugu imaan lahaa London iyo Windsor, iyadoo xitaa dadka qaar ay ku hoyan lahaayeen bannaanka halka ay ka dhacayso munaasabadda duugta.

Boqollaal ka tirsan ciidamada ayaa sidoo kale waddooyinka socod ku mari lahaa iyagoo xushmad u muujinaya amiirka, iyadoo kumannaan booliiska ka tirsanna ay xakameyn lahaayeen bulshada isu imaaneysa.

Balse tan iyo intii uu bilowday xanuunka safmarka ah, qabanqaabiyeyaasha ayaa ka taxadarayay qorshooyinka sababaya in dad badan ay isku yimaadaan haddii uu dhinto Amiirka.

Boqoradda ayaa haatan la sheegay inay ka fekereyso wax ka beddelka qorshooyinka munaasabadaha duugta, iyadoo la raacayo talooyinka dowladda ee kala fogaanshaha dadka.

Maalinta duugta, waxaa la rumeysan yahay in naxashkiisa wax yar loo jirsiin doono St George’s Chapel

Xayiraadaha Coronavirus ee England waxay dhigayaa in keliya 30 qof, oo ilaalinaya kala fogaanshaha bulshada loo oggolaan doono inay ka soo qeyb galaan.

Faahfaahinta ku saabsan martida lagu casuumay amaba xubnaha qoyska weli laguma dhawaaqin.

Si kastaba, Amiir Harry ayay u badan tahay inuu ka soo qeyb galo. Amiirka Sussex wuxuu haatan Mareykanka la joogaa Amiiradda Sussex kumana soo laaban UK tan iyo sanadkii hore intii uu iska casilay mansabkiisii boqortooyada.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post