543 Views

Rooble oo dalka ka eryay wakiilka Midowga Afrika ee Francisco Madeira

Rooble oo dalka ka eryay wakiilka Midowga Afrika ee Francisco Madeira
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa go,aan loogu gaaray in dalka laga eryo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Xukuumada ayaa sababta go,aankaas ku sheegtay in Wakiil Francisco Madeira uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa fartay Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira in dalka uu isaga baxo 48 saac gudahood, maadama uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.” qoraalka kasoo  baxay Xafiiska RW Rooble ayaa sidaa lagu yiri.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post