840 Views

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Gaari kula qarxay deegaanka Qeycad.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Gaari kula qarxay deegaanka Qeycad.
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan Madax sare ay ku geeriyoodeen Gaari walxaha qarxa ka buuxay oo ay ku diyaarinayeen oo kula qaraxay duleedka deegaankaas.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas oo ahaa mid culus uu ku qarxay xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab ee goobta ku sugnaa iyaga ku qarxay islanarkaana khasaare iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa.

Goobta Qaraxa waxaa soo gaaray kuwa ka tirsan Al-Shabaab oo agagaarka halkaasi ka agdhawaa, iyagoo goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dhimashada xubnihii ku waxyeeloobay qaraxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post