1251 Views

Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?.

Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

 Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?

Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur.

Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabis ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post