1368 Views

Sacuudiga oo sharci cusub soo saaray

Sacuudiga oo sharci cusub soo saaray
____________________________________________________________________________

Jimce, 11 Juun [Qaranimo Online] Dalka Sacuudiga oo muddooyinkii u dambeeyey u muuqanayay inuu dabciyay shuruucdii islaamiga ee dalkaasi lagaga dhaqmi jiray ayaa mar kale sharci ay soo saartay waxaa ruqsad loo siisay haweenka garoobada ah iyo kuwa aan weli guursan in ay keligood dibedda u bixi karaan muxrim la’aan.


Waddanka Sacuudiga ayeey mamnuuc ka aheyd in banaanka lagu arko haweeneey aanu la socon weli, sida ay shareecada Islaamku qabto.

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale haweenka u fasaxaya in ay xaq u leeyihiin in ay doortaan halka ay dagayaan, iyada oo horraantii sannadkan sidoo kale ay Dowladdu shaaca ka qaaday haweenka da’adoodu marka ay gaarto 18 sanno haddii ay doonaan in ay magacooda iska beddeli karaan.

Tillaabooyinkan isdaba jooga ah ee Dowladda Sacuudigu ay ku dhawaaqday 5-tii sanno ee u dambeeyey ayeey dad badan ku tilmaamayaan in ay ka dhalatay dalalka Galbeedka oo culeys ku saaraya dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan inuu wax ka beddelo shuruucda Islaamiga ah ee dalkaasi lagaga dhaqmo, waxaanna suurtagal ah in shacabka dalkaasi ay ka gadoodaan go’aamada ka imaanaya Dowladda Sacuudiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post