579 Views

Amaanka Jowhar oo aad loo adkeeyay xili beri halkaasi ay ka dhaci doonto Doorashada 5 kursi.

Amaanka Jowhar oo aad loo adkeeyay xili beri halkaasi ay ka dhaci doonto Doorashada 5 kursi.
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa soo gunaanuday Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP#005, HOP#033, HOP#052, HOP#088 & HOP#097 kuwaa oo Diiwaangelintoodu ay ka socotay xarunta Guddiga ee magaalada Jowhar ee casimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku suganaa xarunta Lagu diiwan galinayay ergooyinka iyagoona xaqiijinayay dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Golaha Shacabka.

Maalinta oo ay Taarikhdu tahay 30/ 01/2022 waxaa jiri doono qabashada Araajida Murashixiinta,  diiwaangelintooda iyo dhamaystirka shurudaha Murshaxnimo.

Halka maalinta berri ah Taarikhduna tahay 31-Bisha 1aad laqaban Doono kuraasta kor ku xusan, Sidoo kale Amaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaa lasoo bandhigay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo baarayo xarunta Doorashadu ay ka dhaceeyso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post