999 Views

Galmudug oo War kasoo saartay weerar Sarkaal & Askari lagu dhaawacay

Galmudug oo War kasoo saartay weerar Sarkaal & Askari lagu dhaawacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13 2021–Hawlgal Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug ay  dhawaan ka sameeyeen xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeysa  Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen Ciidamada.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhaay 11-kii Bisha  April 2021 uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa.

Sidoo kale Warka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug oo iska difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in  doontaas ay ka cararto halkaas weerarka ka dib.

Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo  kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha degaannada Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post