1563 Views

Reer Galbeedka:- Faah faahinta Sacuudiga uu ka bixiyay dilka Jamal lama rumeysan karo

Reer Galbeedka:- Faah faahinta Sacuudiga uu ka bixiyay dilka Jamal lama rumeysan karo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay “dagaal ka dhacay” qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno “caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo”.

Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay “inuu ku qanacsaneyn” sida arrinta loo dhigay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee dilka wariyahaasi la xiriira.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu Talaadada baarlamaanka la hor iman doono.

Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna wuxuu sheegay “waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno.”

Mr Khashoggi wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2-da bisha October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka. Waxayna Sacuudigu inta ay dhimashadiisu qiranin uu marar badan sheegtay inuu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu qunsuliyaddooda uu ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay inuu qunsuliyaddooda uu ku dhex dhintay.

War murtiyeedka ay sida wada jirka ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal maxay kaga hadleen?

Britain, Faransiiska iyo Jarmalka waxay war murtiyeedkooda ku sheegeen iney ka argagaxeen dilka wariyaha loo geystay iyaga oo sheegay “Inaan dilka wax qiil ah loo sameeyn karin si aad ahna ay u cambaareynayaan”.

Waxayna soo qaateen Sacuudigu sida uu amuurtan uga hadlay, iyaga oo raaciyey “iney u baahan tahay faahfaahin iyo caddeeymo degdeg ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen uu Sacuudiga dilka Khashoggi ka bixiyo. Balse Sacuudiga hadalka ka soo yeeray ee ay ku sheegeen iney tahay natiijada baaritanka ee ay sameeyeen aan la qaadan karin oo ay u baahan yihiin in la keeno “caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo”.

Waxayna waddamadu sheegeen “iney xukmineyn ilaa ay sharraxaad dheeraad ah ka helaan dhanka Sacuudiga.”

Iyaga oo sheegay “iney dalbanayaan in la sameeyo baaritaanno kale oo lagu ogaanayo ilaa laga sal gaaro cidda mas’uuliyadda dilka wariyaha loo geystay iska lahayd, ciddii dambiga dilka yeelatana ciqaabta ku habboon la marsiiyo.

Muuqaal muujinaya Khashoggi oo sii galaya Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

Waddamada kale maxay ka yirahdeen?

Talaadadi madaxweyne Trump wuxuu sheegay “aniga ahaan kuma qanacsani ilaa su’aalahayga aan jawaab u helo.”

Wuxuuna Mareykanku sheegay iney suuragal tahay inuu Sacuudigu wajaho Cunaqabateyn, heshiisyada hubka uu la galayna uu hakinayo “Inkasta oo heshiiska hub kala iibsiga ay aad noo saameyneyso sida ay iyaga u saameyneyso si ka daran.”

Wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin wuxuu Axaddi sheegay, in la fisho cunaqabateyn weliba “xilligiisa ka soo degdega.”

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada Chrystia Freeland waxay sheegtay faahfaahinta Sacuudiga ay ka bixisay dilka Khashooggi ay u baahan tahay caddeymo la qaadan karo iney u keenaan.”

Raisal wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu isna sheegay “Hadalka Sacuudiga inuusan ahayn mid miisaaman, oo keligii istaagi karo.”

Hay’adda Amnesty waxay faahfaahinta ku tilmaantay marin habaabin, “dilka naxdinta leh waxa loo sababeeyey.”

Wargeyska Washington Post, oo uu Khashoggi maqaallo badan uu ku soo qori jiray waxay sheegtay inuu Boqortooyada sacuudigu “Hadal laga xishooda uu ka soo yeeray iyada oo weliba beenteedi hore been kale sii dul dhigtay.”

Dhanka Sacuudiga maxaa ka soo kordhay?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir oo Axadda la hadlay telefishiinka Fox News ayaa wuxuu sheegay “iney jiraan shaqsiyaad isku dayay iney dilka Khashooggi ka qariyaan dowladda sacuudiga balse uu isaga ahaan faahfaahin intaasi dheer ogeyn.”

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment