2025 Views

Gudiga Arimaha Bulshada Oo Dalabaday In Cadaalada Lagorkeeno Dadkii Dilay Muwadin Muqdisho Lagu Gubay

Gudiga Arimaha Bulshada Oo Dalabaday In Cadaalada Lagorkeeno Dadkii Dilay Muwadin Muqdisho Lagu Gubay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Guddiga Arrimaha bulshada ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Hay’adaha garsoorka dalka ka codsaday in ay caddaaladda marsiiyaan dad dhawaan Muwaaddin Soomaaliyeed dab ku qabadsiiyay Muqdisho.

Xillibaan Aamina Maxamed Cabdi Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudiga Arimaha Bulshadda Ee Barlamaanka Soomaaliya Ayaa Maanta Golaha Shacabka BJFS Ka Hor-akhrisay Warbixin Ku Saabsanayd Dhacdadii Foosha Xumeyd Ee Lagu Dilay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax

Xilibaanka Ayaa Arintaasi Ku Tilmaamtay Wax aan la Aqbali Karin Oo U baahan in ay ka dhiidhiyaan Haddii Ay Yihiin Barlamaanka Golaha Shacabka soomaaliyeed

Xilibaan Aamina Ayaa Ka Codsatay Hay’adaha Garsoorka Ee Dawladda In Ay Cadaaladda Marsiiyaan Dadkii Falkaasi Xad-gudubka ahaa Geystay sidoo Kalena Ay jawaab Deg-Deg ah Ay ka Soo Bixiyaan.

Dilka gubidda ah ee dhawaan loo geystay Muwaaddinka lagu magacaabayay Axmed Mukhtaar ayaa waxaa uu maanta ka mid ahaa Ajendaha Golaha shacabka Soomaaliya.

qqa

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment