537 Views

Midowga Yurub oo cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Midowga Yurub oo  cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 2, 2022

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin”

Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay u taageereyso duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalka “”Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?”

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa shaley tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post