747 Views

Wafdi horudhac u ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Jowhar

Wafdi horudhac u ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Jowhar
____________________________________________________________________________

Magaalada Jowhar ee  Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno, kuwaas oo hordhac u ah socdaalka Ra’iisal Wasaaraha.

Wafdigaani oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu gaaro Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi laga dareemayaa u diyaar garoowga soo dhsweyntiisa.

Wararka la helay ayaa sheegaya in safarka Rooble ay qeyb ka yihiin xubno ka socoda beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post