2217 Views

Wada Shaqeyn xumo ka dhex jirta maamuladda degmooyinka iyo Ciidamada gobolka Banaadir

Wada Shaqeyn xumo ka dhex jirta maamuladda degmooyinka iyo Ciidamada gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2018 –  Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ogaadeen in wada shaqeyn xumo in ay ka dhex jirto maamulada degmooyinka iyo sidoo kale taliyeyaasha Saldhigyadda gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin arintaasi wax looga qabanaayo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeyn xumadda ka dhexjirta Ciidamada iyo maamuladda degmooyinka ay dhibaato weyn u keentay Shacabka kunool gobolka Banaadir.

Tuulax ayaa tilmaamay in ay waddaan qorshe lagu dhisaayo gole degaan si ay dadka Shacab ah u doortaan maamul ay ku kalsoon yihiin.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment