816 Views

Booliska Spain oo xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha ururada maafiyada ee ugu weyn dunida

Booliska Spain oo  xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha ururada maafiyada ee ugu weyn dunida
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

Booliska Spain ayaa xiray Domenico Paviglianiti, oo ka mid ah hogaamiyayaasha mid ka mid ah ururada maafiyada ee ugu weyn dunida ee (Ndrangheta) sida ay qoreen warbaahinta Talyaaniga .

Paviglianiti, oo hore loogu yiqiinay “madaxda”, ayaa lagu qabtay Madrid isagoo wata baasaboor been abuur ah oo Bortuqiis ah, lix taleefan iyo 6,000 euro, oo u dhiganta 45,000 oo koron.

Hogaamiyaha kooxda Ndrangheta ayaa lagu xiray Madrid. Waxaa loo arkaa mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay caalamka gaar ahaan Talyaaniga, booliska Spain ayaa ku soo qoray bartooda Twitterka.

Domenico Paviglianiti ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa in ka badan 140 dil, iyo sidoo kale tiro kale oo dambiyo la xiriira Maafiyada. Horay waxaa loogu xukumay xabsi daa’in, laakiin waxaa si qalad ah loo sii daayay Oktoobar 2019, wuxuuna illaa xiligaas ku jiray xaalad dhuumaaleysi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post