450 Views

QM oo walaac kamuujisay saameeynta dunida uu kuyeeshay dagaalka Yukreeyn.

QM oo walaac kamuujisay saameeynta dunida uu kuyeeshay  dagaalka Yukreeyn.
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Qaramada midoobay ayaa walaac xooggan kamuujisay saameeynta kadhalatay colaadaha kasocda dalalka caalamka si gaar ah dagaalka yukreeyn iyo ruushka kaasi oo sababay barakaca malaayiin qofood oo kunool daafaha dunida waxaana qaramada midoobay ay kadigtay in dadkan barakacay ay saameeyn karto cunto la,aan baahsan oo soo food saari karta dadka kubarakacay colaadaha kajira dunida.

Warbixin sanad la, ah oo ay soo saartay hay,adda qaxootiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR ayaa muujineysa in 89.3 milyan boqolkiiba ayaga oon raalli ka aheyn ay isaga barakaceen guryahooda guud ahaan dunida sanadkii 2021 waxaana barakacaas sababay dagaallada iyo khilaafaadka ka taagan badi waddamada caalamka.

14 milyan oo ruux ayaa kubarakacay dagaalladda kasocda yukreen tan iyo markii 24 bishii febraayo ee sanadkan ruushku uu billaabay guluf millatari oo kadhan ah yukreeyn waxaana weli socda dagaalka udhaxeeya ruushka iyo yukreeyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post