852 Views

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo Aqalka sare ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin wada shaqeynta labada Gole BFS.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo Aqalka sare ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin wada shaqeynta labada Gole BFS.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Xidhibaan Cabdi Cali Xasan oo katirsan Golaha Shacabka BFS oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in sharciga Doorashada oo ay meel mariyeen Aqalka uu katirsan yihiin ay mariyeen heer kala duwan oo sharci ah.
Shaqooyinka ugu badan ee Dastuurka in ay hayaan, marka laga soo tago Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha sharciga in Baarlamaanka uu leeyahay awoodda uu ku kormeerayo sida loo dhaqangeliyay Dastuurka.
Saddex shaqo oo ballaaran ayuu sheegay Xildhibaan Cabdi Cali Xasan in Golaha uu katirsan yahay qabto, marka koowaad waa Sharci-dajiyaal, marka xigta waa Sharci dhowrayaal halka marka saddexaad ay yihiin matalayaasha Shacabka.
“Labada Aqal ee BFS meelo badan ayaan ku kala duwanahay, tirada iyo qaabka doorashada aan ku nimid, Waxa aan meelmarinay shuruucda doorashada oo Golaha Shacabka awood dastuuri u leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan waxa uu sheegay in aan laga maarmin dib ugu laabashada Dastuurka kolka ay is qabtaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda si aysan meesha ugu bixin wada shaqeynta.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu kamid ahaa Ergo la fadhiisatay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari oo ay kala hadleen caqabadaha taagan, balse dhanka Aqalka sare ka socon waayeen wax waliba.
“Qadobada shaqada ee Golayaasha Aqalka sare iyo Shacabka dastuurka wuu qorayaa, mar waliba DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Golayaasha Dowladda waxa uu farayaa in ay wada shaqeeyaan” ayuu sii raaciyay Xildhibaan Cabdi Cali.
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Qodobka 47-aad wuu qeexayaa sababta doorashada u martay labada aqal, bilawgii hore ilaa mardhaw oo heshiis wada galeen guddoonka labada aqalka caqabad Xoog badan ayaa ka taagneed oo ay u badneed guddiga adeegga baarlamaanka oo labada aqal isku xiraya, Aqalka sare ayay ka socon waysay”.
Guddoonka Aqalka sare ayaa banaan ka istaagay qodobo sal u ah Doorashada dalka oo ay meelmariyeen Golaha Shacabka, inkasta oo isku xili uu u furmay kafdhiga Baarlamaanka Soomaaliya, balse Shaqooyinka ugu badan ee fadhiyada waxaa qabtay Golaha Shacabka, maadaama fadhiyo dhowr ah yeesheen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post