426 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay la wareegitaanka Ceeldheer

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay la wareegitaanka Ceeldheer
____________________________________________________________________________

Warsaxaafadeed kasoo bqxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa lagu bogaadiyay howlgalka Ciidanka xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay kula wareegeen Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee wada howlgalka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in howlgaladu sii socon doonaan ilaa laga saaro Al-Shabaab degaannada Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kaleba.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post