1320 Views

Kal-Fadhiga 5-Aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Furmaya

Kal-Fadhiga 5-Aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 17, 2019 –Waxaa Maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku beegan tahay 17-da bisha March 2019,lagu wadaa in uu furmo Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya,kadib muddo 2 bilood ah oo ay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka ku maqnaayeen fasax.

Xildhibaanada ayaa fasax galay markii uu xirmay Kalfadhigii hore ee 4-aad ee Baarlamaanka Bishii Janaayo ee sanadkan,waxaana la filayaa in Maanta hal goob uu ka furmayo, hal markii hore ee labada Kal-fadhig ay kala dambeeyeen hal bil.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka qeyb geli doona furutaanka Kalfadhigan,isla markaana waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan deg deg ah,loona baahan yahay in ay ka soo qeyb galaan.

 

Dhinaca kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo furi doono Kalfadhigan, ayaa la filayaa inuu halkaas ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladaha siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqaale ee dalka, gaar ahaan xaaladihii ugu adkaa ee soo food-saaray Soomaaliya, intii uu Baarlamaanku ku maqnaa fasaxa iyo qorshaha dowladda ee 2-da sanee u dhiman.

 

 

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment