711 Views

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Dad shacab ah ku dilay Degmada Qoryooley

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Dad shacab ah ku dilay Degmada Qoryooley
____________________________________________________________________________

.

Isniin: January 31, 2022

 Wararka Ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh, Hoose ayaa ku Waramaya in 1 Qof uu ku Geeeriyoodey 2 kalene Dhaawac Soo Gaarey kadib Markii Ciidamada Howlgalka Midowga Africa Ee Loosoo Gaabiyo AMISOM ay Madaafiic Ku Garaaceen Gudaha Degmada Qoryooley.

Arintan Oo ka Dhacdey Xaafada Hodan Ayaa Argagax ku abuuratay Dhamaan Shacabka magaalada Iyadoona Dadka Dhibka Gaaray ay ahaayeen isku qoys, Saaka ayaana Dhaawacooda loosoo qaadey Magaalada muqdisho.

Ciidamada oo Ah Ururka Degan Degmada Ayay Shacabka deegaanku Sheegen in Xaley cishaha kadib Ay Bilaabeen Ridida Hubka culus oo aan la ogeyn Waxa ay ugu danlahaayeen.

AMISOM Ayaa sidan oo kale Dad Shacab ah ugu leysay Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkan.

Maamulka iyo Saraakiisha Degmada Wali kama Hadlin Arintan ka Dhacdey Degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post