1044 Views

Wakiilka Cusub ee QM oo socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegaya Puntland

Wakiilka Cusub ee QM oo socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegaya Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 07, 2019 —Wakiilka Cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa safarkii ugu horeeyay ku tegaya Magalada Garoowe tan iyo markii la soo magacaabay.

 

Wararka laga helayo Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in James Swan uu Maalinta berito ah oo Isniin ah uu tagayo garoowe,isla markana uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni.

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xoojinta wada-shaqeynta Puntland iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee (UNSOM),waxaana uu sidoo kale la kulmi doonaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay inay ka wada hdli doonaan xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn,kadib markii Bishii May ee sanadkaan ay Puntland sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya.

 

Wakiilka Cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa horay ula kulmay Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka,sida Madaxweyne farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment