693 Views

Boris Johnson oo markale ka digay weerar ay qorsheynayaan Ruushka

Boris Johnson oo markale ka digay weerar ay qorsheynayaan Ruushka
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.”

Johnson oo la hadlay BBC ayaa sheegay in “astaamaha oo dhan ay muujinaya in qorshahaas uu hadda si ahaan dhaqangalay.”

Hogaamiyahan ayaa intaa raaciyay in xogta sirdoonka ay muujinayso in Ruushka uu billaabi rabo duullaan uu dhinac kasta uga go’doomin doono caasimadda Kyiv.

“Dadku waa in ay fahmaan khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhalan karta duullaanka noocaas ah,” ayuu yiri Johnson.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waraysiga bixiyay xilli uu ku sugnaa magaalada Munich, halkaas oo ay hogaamiyayaasha caalamka ku leeyihiin kulan sanadle ah oo looga hadlo ammaanka.

Qiyaastii ugu dambeysay ee uu shaaciyay Maraykanka ayaa tilmaamaysa in ciidan gaaraya 190,000 oo askari uu Ruushka geeyay xuduudda uu la wadaago Ukraine iyo weliba gudaha Belarus

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post