666 Views

Dil dad badan ka argagaxeen si weyna loo cambaareeyay oo ka dhacay Yaman.

Dil dad badan ka argagaxeen si weyna loo cambaareeyay oo ka dhacay Yaman.
____________________________________________________________________________

Sabti: September 11, 2021

Dalka Yemen waxaa dil dad badan ka argagaxeen loogu geestay Muwaadin asal ahaan i kasoo jeeda dalkaasi balsa heesta Dhalashada Dalka Mareykanka, kaa oo la dilay xili uu 8-sano kadib Yemen dib ugu soo laabtay.

C/Maalik Al-Sanabani ayaa ciidamo hubeesan oo ku sugnaa bar koontarool si arxan daro ah u dileen xili uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, waxaana marxuumka laga qaatay lacago iyo boorso uu watay.

Warbaahinta dalka Yemen ayaa ku warantay in ninkan la dilay mudo  8 sano ah kunoolaa dalka Maraykanka , waxa uuna dalkiisa Yemen ugu soo laabtay hilow uu u qabay aragtida Walaashiisa oo deggan Caasimada Yemen ee Sanca.

Wasaarada arimaha Dibadda dowlada Yemen ayaa si kulul u cambaareesay dilkan loo geestay muwaadinkan heesta dhalashada dalka Mareykanka, waxa ayna Wasaarada dilkan ku eedeesay Maleeshiyo ka tirsan Golaha KMG ee Koonfurta Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Axmed Cawad Bin Mubaraak waxa uu ku baaqay in la soo xiro Eedeysanayaashii ku lugta lahaa dilkii arxan darada ahaa ee loo geestay Marxuum C/Maalik Al-Sanabani.

Dilkan ka dhacay dalka Yemen ayaana si weyn dad badan uga caroodeen sida naxariis darada ah ee loo dilay nin dhalinyaro ah oo hilow uu u qabay walaashiis dalka ugu soo laabtay iasaga oona aragna la dilay xilki uu kusii socday.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post