312 Views

Fifa oo Kenya ka qaaday mamnuucista ciyaaraha caalamiga ah kadib markii ay kasoo baxeen shuruudo

Fifa oo Kenya ka qaaday mamnuucista ciyaaraha caalamiga ah kadib markii ay kasoo baxeen shuruudo
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Kenya ayaa xayiraadii ka saarneyd ciyaaraha kubadda cagta caalamka waxaa ka qaaday xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa.

Joojintan ayaa lagu soo rogay bishii February, kadib markii wasaaradda ciyaaraha ee Kenya, ay kala dirtay xiriirka kubbadda cagta dalka Kenya, oo lagu eedeyay inay lunsadeen lacag, iyadoo la magacaabay guddi ku meel gaar ah bishii November 2021-ka.

Cunaqabateyntan ayaa la macno ah in xulka Bariga Afrika laga mamnuucay isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika ee 2023-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Ababu Namwamba, oo ah wasiirka arrimaha dhalinyarada, ciyaaraha iyo fanka, ayaa gacan ka geystay xalinta arrimihii abuurmay, markii haweeneydii ka horreysay ee Amina Mohamed, ay 12 bilood kahor u magacawday guddi ku meel gaar ah oo ka kooban 27 qof, si ay u maamulaan guddiga xiriirka Kenya ee Kubadda Cagta (FKF).

Ku xigeenka madaxa guddiga xiriirka Kenya ee Kubadda Cagta (FKF), Doris Petra, iyo xoghayaha guud ee, Barry Otieno, ayaa dib looggu celiyay boosaskoodii, iyo gacan ku haynta xafiisyada FKF, oo dib looggu celiyay guddiga – sida ay dalbatay Fifa.

Warqad uu Otieno u diray xoghayaha guud ee Fifa, Fatma Samoura, ayaa lagu sheegay in xayiraadda ay ka hadleen xafiiska golaha Fifa Jimcihii la soo dhaafay, waxaana la xaqiijiyay in la qaaday xayiraadda.

Wafdi wadajir ah oo ka socda Fifa iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf), ayaa booqan doona magaalada Nairobi, si ay u tilmaamaan tallaabooyinka xiga ee FKF, ayna la kulmi doonaan Namwamba, iyadoo faahfaahinta la diyaarin doono waqtiga ku habboon.

Warqadda ay soo qortay Samoura, ayaa intaa ku dartay in xayiraadda laga qaaday guddiga “iyada oo aan waxba loo dhimayn baaritaannada socda iyo dacwadaha maxkamadda ee heer qaran”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post