1779 Views

Soomaaliya oo shati siineysa kalluumeysato ajnabi ah

Soomaaliya oo shati siineysa kalluumeysato ajnabi ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa maanta saxiixi doonaa shatiyadaasi oo la siin doono iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha oo ah 32 (Shati).

Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ugu horreysay muddo 30 sano ah si daahfuran u bixiso shatiyo kalluumeysi oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeedo dalka Shiinaha.

Hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah ayaa lagu bixiyey 32-da shati ee ay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda saxiixday.

Shatiyada in la bixiyo waxaa fududeeyey heshiis 10-kii bishii Febraayo ku dhexmaray magaalada Muqdisho oo ka dhaxeeyay sida loo kala leeyahay shaqada iyo in dowladda dhexe ay leedahay awoodda bixinta shatiyada kalluunka.

Lacagta oo si toos ah ugu dhici doonto Bangiga Dhexe lama bixin doono ilaa laga heshiiyo qeybsiga kheyraadka dalka Soomaaliya, sida ay dowladda sheegtay.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda waxa ay Iskaashatada COFA u saxiixday inay la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment