816 Views

xaalad dagaal oo ka dhax bilaabatay Soomaalida & Canfarta Itoobiya

xaalad  dagaal oo ka dhax bilaabatay Soomaalida & Canfarta Itoobiya
____________________________________________________________________________


Talaado: December 7, 2021

Xiisadda oo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa ay ka taagan tahay meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida kadib markii Deegaanka canfarta ay Ciidamo aad u fara badan kusoo dad gureeyeen dhanka deegaanka Soomaalida.

Dadka degaannada Ciidamada la soo dhoobay ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka ay dareemayaan cabsi ballaaraan maadaama dhowr jeer Soomaalida iyo Canfarta ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro kala duwan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Canfarta ay doonayaan inay la wareegaan dhul ay leeyihiin Soomaalida xoolo dhaqatada ah, balse maleeshiyaad Soomaali ah arrintaasi ka biyo diideen.

Horay degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida waxaa dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmareen Maleeshiyaadka Canfarta iyo kuwa Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post