1293 Views

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019–-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro kala duwan geystay oo Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo katirsan kuwa dowladda & Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Awdheegle,waxaana uu yimid,kadib markii xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo katirsan dowladda ku leeyihiin Awdheegle,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday.

Saraakiil katirsan Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dagaalkaas ku dileen askar katirsan Ciidamada Dowladda wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya.

Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda & Shabaab ay ka kala sheegtay Guulo kala duwan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment