1044 Views

Madaxweyne Qoor-Qoor oo soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay guddigii farsamada

Madaxweyne Qoor-Qoor  oo soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay guddigii farsamada
____________________________________________________________________________

May 5, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka Qabo in la hir galiyo Heshiiskii manta la gaaray oo uu ku sheegay mid miro dhalk ah.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, Waxaan rajeynaynaa in hirgelinta go’aamadaas si dhaqsa leh u dhaqan galaan si loo sii wado dadaalada kale geeddi socodka dowladnimada”ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale qoor qoor ayaa ka mid ahaa madaxdii ka soo hor jeeday in Magaalada Muqdisho xabad ka dhacdo, waxa uuna is hor tag ku sameeyay Weeraradii loo gaystay Saadaq Joon C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan shekh

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post