687 Views

Midowga Musharixiinta oo sheegay in Ciidamo la dul-dhigay War deg deg ahna soo saaray

Midowga Musharixiinta oo sheegay in Ciidamo la dul-dhigay War deg deg ahna soo saaray
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 17, 2020 –
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay qoraal deg deg ah kasoo saareen xaalada Maanta ee Magaalada Muqdisho iyo Ciidamo ay sheegeen in la dul-dhigay Xarumaha qaar ee Musharixiinta.

Qoraalkooda aya musharixiinta waxaa ay ku cambaareeyeen Ciidamo ay sheegeen qaarkood la dul-dhigay xeritaanka wadooyinka qaar ee Muqdisho ay xireen Ciidamada dowladda, iyaga oo ka digay in ujeedooyin Siyaasadeed loo adeegsadao Ciidamada Qaranka.

“ Waxaan markale uga digeeynaa Madaxweyne  Farmaajo in uu ka waantoobo Ciidanka uu u adeegsanaayo caburinta Shacabka iyo daandaansiga Siyaasiyiinta ayaa lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyada wixii ka dhashay daandaansiga dagaal iyo kicinta xaalad colaadeed ee lagu qalqal gelinayo Amniga guud ee dalka gaar ahaan hoggamiyeyaasha Midowga Musharixiinta.

Marka laga soo tago qoraalka Musharixiinta ayaa waxaa xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan geysay dhamaan wadooyinka laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo ay degan yihiin inta badan musharixiinta, waxaana kal hore ujeedka Arrintaasi Siyaasiga Cabdiraxmaan C/Shakuur uu ku sheegay in la doonayo in laga hor-istaago xus uu u sameynayo Askartii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir 17-kii Bishii December sanadkii 2017.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post