897 Views

Kaluumeysato lagu la’yahay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose

Kaluumeysato lagu la’yahay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2020 –Dabeylo xoogan ayaa ka kacay xeebaha gobolka Jubbada Hoose kuwaasi oo saameyn ku yeeshay kalluumeysatada iyo doomaha ganacsiga ee shixnadaha ganacsi u qaada jaziiradaha iyagoo ka cabsi qaba in dabeyluhu ay dhibaateeyaan.

Arrintan ayaa keentay koror ku yimid sicirka kalluunka ee suuqyada magaalada Kismaayo maadaama doomuhu aysan badda gelin karin si ay u soo jillaabtaan.

Qaar kamid ah Ganacsatada Kalluunka ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in Kalluunka uu aad u yaraaday dabeylaah aawgood, isa markaana uu aad qaali u noqday, siodoo kalena ay dhibaato soo wajahday dadka ka Gacacsada Kalluunka.

Waxaa uu sheegay in saddex doon lagu la’yahay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana dadkii saarnaa qaarkood la helay qaarna la la’yahay, waxaana ay sheegeen in saameyn ballaaran ay ku yeesheen dabeylaah ka dhacaya Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan markii Xeebaha gobolada dalka ay ka dhacaan dabeylaha ayaa waxaa saro u kaca qiimaha la iibiyo Kalluunka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale dabeylaha ay sababaan in la waayo doomo farabadan iyo dadkii saarnaa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post